Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
Views:603 | Tuesday, October 16th, 2012 | By Muqdisho oo Madaxweynaha Soomaliya Wafdi ka socda IGAD ku qaabilay

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socdey Urur Goboleedka IGAD.

Xoghayaha guud ee Ururga IGAD Maxbuub Macalin ayaa hoggaaminayey werdiga ka socdeu Urur Goboleedka IGAD.

Warar Somaliradio heshey ayaa sheegaya in Wefdiga IGAD iyo Madaxweyne Xassan ay ka wada hadley xaaladda magaalada Kismaayo, gaar’ahaan Shir igad soo abaabushey oo maamul goboleed loogu samaynaayey Gobolada Jobbooyinka kaas oo duleedka Nairobi ku soo gebageboobey.

Xassan Shiikh MAxamuud Madaxweynaha dhawaan la doortey ayaa doonaya in maamul u samaynta Jubbooyinka dawladda lagala tashado si kumeel gaar ahna ay tahay in dawladddu maamul ugu samayso, kadib dadku soo doortaan cidii ay rabaan.Waxaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha iyo IGAd isku waafaqeen arintaas.

Ururka Raaskaanbooni ee wax ka qabtey magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in aysan ahayhn dastuuri in Madaxweynuhu soo farogashto maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaana dhawaan loo sameeyey guddi maamuli doona muddo 20 cisho taas oo ay ka harsan tahay 15 maalmood.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Maxmuub Macalin ayaa ka wada hadley xaaladaha kale ee Gobolka sida amaanka, siyaasadda iyo weliba kaalinta wadamada dersiku ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Cabdisamad Maxamed Samatar

Muqdisho, Somalia

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012

Cali Dheere oo ka hadlay sida Alshabaab u arkaan R/wasaaraha cusub
Afhayeenka ururka Alshabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay u arkaan magacaabista R/wasaaraha cusub. Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo 8th Oct 2012