Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Views:807 | Monday, October 8th, 2012 | By

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay Dowladaasi.

Madaxweynaha ayaa maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha waxaana uu sheegay inuu halkaasi kula soo kulmi doono masuuliyiin kala duwan.

Isaga oo hadalkiisa watta ayuu sheegay in magaalada Kampalla uu kula soo kulmi doono madaxweynaha Uganda iyo madaxweynaha Kenya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu kula soo kulmo doono halkaasi madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyadaha badan uu dib ugu soo laaban doono maadaama ay u yaalaan howlo badan.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012

Cali Dheere oo ka hadlay sida Alshabaab u arkaan R/wasaaraha cusub
Afhayeenka ururka Alshabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay u arkaan magacaabista R/wasaaraha cusub. Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo 8th Oct 2012