Cali Dheere oo ka hadlay sida Alshabaab u arkaan R/wasaaraha cusub
Views:860 | Monday, October 8th, 2012 | By

Afhayeenka ururka Alshabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay u arkaan magacaabista R/wasaaraha cusub.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba ka tanaasulin fekerkooda ku aadana dagaalada.

Cali dheere ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ay diyaar u yihiin la dagaalanka shaqsi wal;baa oo loo soo magacaabo xilka R/wasaaraha ee Dalka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay inay sii wadayaan mowqifka ay kula dagaalamayaan ciidamada Dowlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ay meesha keeneen sida uu sheegay reer galbeedka oo danahooda ku fushanaya.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM waxaana ay shaaciyeen in qof waliba oo dalkaan xil ka qabta ay la dagaalamayaan.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012