Dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo iyo xaalada oo degen
Views:525 | Monday, October 8th, 2012 | By
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Alshabaab ay weerarka kusoo qaadeen fariisin ciidamada dowlada ay kulahaayeen duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolkaasi Saraakiil ka tirsan Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka dhankooda lagu soo qaaday islamarkaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameeyeen isdifaacid. Waxaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka Kismaayo waxaana wararka qara ay sheegayaan in qasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Dhanka Al-Shabaab ilaa hada majirto wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan dagaalka xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo oo ay Al-Shabaab soo qaadeen. Al-Shabaab ayaa horay waxa ay usheegtay inaysan joojin doonin weerarada dagaalka ah ee ay kusoo qaadayaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
