Puntland maxay ka dhahday R/wasaaraha cusub ee Dalka
Views:99 | Sunday, October 7th, 2012 | By

Maamulka Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon. Waxay Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah. Waxay Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran. Waxay kaloo diyaar u tahay inay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen. Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions] sida: • Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya, • Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah • Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya • U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo. Ugu damayntii waxay Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

Soomaaliya sidan ayaa loo rabaa mustaqbalka dhow
Mashruuca dib u dhiska iyo federaaleynta Soomaaliya Waxaa socda mashruuc dib loogu dhisaayo Soomaaliyo oo ka kooban labo weji, waxaana ka qayb qaadanayaan Dowladaha horay u maray ee reer galbeedka ah, taasoo ujeedadiisu ay t 9th Jan 2014

R/waaraha J .F. Soomaaliya Dr. C/weli Sh. Axmed Oo Dhambaal Hanbalyo Ah Ka Helay Dhiggiisa Ethiopia
Muqdisho, Dec, 22, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah ka helay dhiggiiisa dalka Ethiopia mudane Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah k 23rd Dec 2013

Wafdi Ka Socda Dowladda Oo Howlo Dhex Dhexaadin Ah U Tegay Gobolka Shabeelaha Hoose
Wafdi ka socada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu horkacayo Siihayaha Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose si ay uu xaliyaan colaad beeleedyada go 23rd Dec 2013

DAGAALO KHASAARO GEYSTAYOO MAANTA KA DHACAY DEGMADA AFGOOYE
Waxaa faah faahin ay ka soo baxaysa dagaal saaka ka dhacay  duleedka degmada Afgooye,waxana la sheegaya khasaaraha dagaalku inuu sii kordhay. Wararkii ugu danbeeey ee laga helayo dagaalka waxaa ay soo sheegayan in ugu yaraan 11- 22nd Dec 2013

Ethiopia oo halbalyeysay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah maanta ka helay dhiggiiisa Itoobiya, Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah ayaa ku aaddan magacaabistiisa iyo ansixintiisa shalay 22nd Dec 2013