Dagaal ka dhacay Duleedka Kaxda iyo Alshabaab oo weerarka soo qaaday
Views:447 | Saturday, October 6th, 2012 | By
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkeynlay ee Gobolka banaadir.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Dowlada ay ku lahaayeen halkaasi.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana la sheegayaa in dagaalka uu socday saacad ku dhawaad iyadoo ciidamada ALshabaab ay dib isaga laabteen halkii ay soo weerareen.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdi walli Yuusuf Cumar ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid aan qasaaro geysan isagoo xusay inay walli wadaan baaritaanka qasaaraha.
Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayaa ah mid degen waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Dowlada ay wadaan baarintaano ay ka sameynayan xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab oo ku aadan dagaalka ay kusoo qaadeen deegaanka Xoosh.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
