Ciidamada Dowlada oo la wareegay deegaano Sh/hoose ka tirsan
Views:424 | Saturday, October 6th, 2012 | By

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Ciidamada Dowlada oo duulaan dagaal ka qaaday Duleedka Afgooye ayaa la sheegay inay gaareen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaanka Warxoolo ee isla gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ka socda Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu xusay in ciidamada Dowlada ay ku wajahan yihiin Degmada Baraawe ee Gobolkaasi halkaasi oo hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada Alshabaab.

Waxii kusoo kordhaa kala soco www.somaliradio.net

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012