Ahlu Sunna oo taageertay R/wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaaliya
Views:415 | Saturday, October 6th, 2012 | By

Tan iyo markii madaxweynaha Cusub ee Dalka Soomaaliya uusoo magacaabay R/wasaaraha cusub ee Dalka Soomaaliya waxaa soo baxayay hambalyeynta loo jeedinayo Hogaanka xukuumada cusub ee Dalka Soomaaliya.

Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax  oo ah ​Gudomiyah Ahlusunna Gobolada Konfureed ayaa isaga la hadlayay saxaafada wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan wasiirka koowaad ee Xukuumada Soomaaliya,waxaana uu sheegay inay taaregi doonaan.

Gudomiyah Ahlusunna Gobolada Konfureed Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax  oo asago ku sugan Magaalada Doolow khadka teleefonka ugu waramayay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu siweyn u soo dhaweyay  R/wasaaraha Cusub ee Somalia waxana uu shegay in Maamulka iyo Ciidamada Ahlusunna  ay diyaar u yihiin in ay garaab istaagan Xukumada Cusub ee uu hogaaminaayo Mr Saciid Farax Garaad.

Waxaa uu cadeeyay in ciidamada Ahlu sunna iyo maamulkaba ay hiil iyo hooba la garab istaagi oo ay la shaqeyn doonaan.

Maamulka Ururka Ahlu sunna ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay soo dhawweeyeen R/wasaaraha cusub iyagoo dardaaran u jeediyay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya.

Sh Ibrahiim  Sh Xasan Guureeye  Gudomiyaha Ahlusunnada Gobolada dhexe ayaa isna sheegay inay soo dhaweynayaan R/wasaaraha cusub ee Dalka Soomaaliya.

Ahlu sunna ayuu sheegay inay meel kastaa oo ay joogaan inay garab taagnaan doonaan Cabdi Faarax Garaad Shirdoon "Saacid",oo shalay loo magacaabay R/wasaaraha dalka Soomaaliya.

Ahlusunna Waljamaca ayaa waxaay noqonaysa Maamulki ugu horeyay ee misaan ku leh Somalia oo soo dhaweyay R/wasaaraha Cusub ee Somalia Mr Sacid Farax Garaad waxaayna balan qadeen in ay dhankasta kala shaqayn doonan.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012