Qarax hada ka dhacay Afgooye
Views:416 | Saturday, October 6th, 2012 | By somaliradio
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil oo ah halka looga galo degmada Afgooye, halkaasoo ay ku sugaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa dhacay abaarihii 1:20, xilligaasoo qeybo badan oo ka mid ah degmada Afgooye laga maqlay dhawaqa qarax xoogan.
Wararka ayaa sheegaya in ruuxa is qarxiyay uu xirnaa dareyska Ciidamada, iyo jaakadaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay meel ay ka buuxeen Ciidamada.
Lama oga qasaaraha rasmiga, iyadoo goobta ay isku gedaameen Ciidamada, waxaa la joojiyay gaadiidkii galayay degmada Afgooye.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu meel banaan ku qarxay, isla markaana aanu jirin wax qasaare ah oo soo gaaray Ciidamada sida uu yiri.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha, iyadoo qaraxa oo ahaa mid xoogan la sheegayo in dhimasho iyo dhaawac badan ay jiraan.
Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ku soo aaday, xilli Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda lagu diyaarinayay halkaas, si ay u aadaan furimaha deegaanada Shabellaha Hoose ay kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda.
Waa weerarkii labaad oo isqarxin ka dhaca Afgooye tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmadaas dhamaadkii bishii May, iyadoo bartamihii bishii June ay aheyd markii weerar is qarxin gaari loo adeegsaday uu ka dhacay dugsigii sare Afgooye oo fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda.
La soco wixii ku soo kordha
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
