Dagaal culus oo ka socda Deegaanka Miido iyo Shabaab oo xaalad adag ku jira
Views:391 | Saturday, September 1st, 2012 | By Xasan Cabdullaahi

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda inta udhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo waxa uu yahay mid xoogan dagaalka.

 

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa ka qeyb qaadanaya dagaalka waxaana xaalad adag ay soo foodsaartay Ururka Al shabaab oo iyagu ku dhaaranaya difaacida Magaalada Kismaayo.

 

Deegaanka Miido oo 25-km ujira Degmada Afmadoow ayaa xoogga Dagaalka ka soconayaa waxaana lagu soo waramay in madaafiic la is weydaarsanayo labada dhinac meesha lagu hardamayana ay tahay dhul howd ah.

 

Saraakiisha ciidamada Dawlada iyo Kenya ee hormuudka u ah dagaalkaasi ayaa sheegaya inay maanta ama berri ay ku rajo weyn yihiin inay la wareegaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

 

Waxaa weli socda Dagaal udhaxeeya ciidamada Dawlada,askarta Kenya iyo Raaskambooni oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Al shabaab.

 

kala  soco wixii soo kordho insha allah

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012