Puntland oo ka weecineysa Dhalinyarada inay ku biiraan Burcad Badeeda Somalida (Dhageyso)
Views:401 | Saturday, September 1st, 2012 | By Xasan Cabdullaahi
Kuxigeenka Wasiirka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Maxamed Siciid Xuseen oo maanta Ka hadlayey Xaflad ka dhacday magaalada Garoowe ayuu sheegay in Maamulkooda ku dadaalayo sidii uu wax ugu qaban lahaa dhalinyarada.
Wasiirka waxa uu tibaaxay in mar walba la maqlo dhalinyaro Burcad badeeda Ku biireysa islamarkaana ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyaabaha sumcadooda dhaawacaya.
Maxamed Siciid Xuseen ayaa sheegay inay fursado shaqo u abuurayaan dhalinta ku dhaqan deegaanada Puntland si aysan ugu biirin kooxaha Burcad Badeeda Somalida.
“Waxaan ballan qaadeynaa inan sameyno fursado ay dhalintu wax ku bartaan waxaan ku dadaali doonaa inan dhisno mustaqbalka dhalinyarada,Burcad Badeeda somalida ma ahan mid mudan dhalinyarada inay ku biiraan,Ayuu yiri Wasiirka”.
Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu sheegay inuu ka xun yahay falalka guracan eek u dhaqmayaan Shufta Badeeda Somalida waxaana hadda uu uguntdayaa inuu joojiyo falalka la xiriira Burcad badeednimada.
“Waxaan Sameynayno waa inan joojino Burcad badeed jidgooyo dhigta biyaha somaliya iyo biyaha Caalamiga ah waxaana tasi badalkeeda ku jirnaa fursado shaqo ay helaan dhalinyarada ayuu khudbadiisa kusoo afmeeray Wasiirka”.
Sikastaba ha’ahaatee Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jiraan dhalinyaro badan oo isku magacaabay ilaaliyeyaasha Badda Somaliya hase ahaatee loogu yeero burcada badaha taasi oo puntland iyo dawladaha reer galbeedkuba dagaal kula jiraan burcad badeedaasi.
Xasan Cabdullaahi
Somali Radio
Muqdisho-Somalia
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
