Kamid noqoshada Barlamaanka cusub ee Somaliya oo dollar la siisanayo.
Views:169 | Saturday, August 11th, 2012 | By somaliradio

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Dhaqdhaqaaq cusub laga dareemayo magaalada, kaasoo ay la imaanayaan musharaxiinta u tartameeysa jagada madaxtinimo.

Musharaxiinta qaar oo ay ugu horeeyaan ayaa la yimid Farsamo cusub, iyagoo Ganacsatada magaalada Muqdisho u adeegsanaya in ay kamid noqdaan barlamaanka cusub si hadhow ay u soo doortaan.

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa la kulmaya saacadihii u dambeeyay Odayaasha Dhaqanka ee looga fadhiyo in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha Barlamaanka cusub, waxa ayna ganacsatada ay Odayaasha ka dalbanayaan in ay ku daraan liiska ay gudbinayaan.

XOG maanta oo Sabti ah heshay Shabakadda Warbaahinta Warqaad.com qeybta Istuudiyaha Muqdisho ayaa waxa ay cadeyneysaa in Ganacsatada ay Kumannaan Dollar ku bixinayaan in marqura ay kamid noqdaan barlamaanka cusub.

Lakin Ganacsatada waxaa dabada kasoo riixaya madaxda ugu sareeysa dowladda oo si kala gooni-gooni ah u shaqeeysanaya iyo qaar kamid ah Musharraxiinta madaxtinimo.

Ganacsade si hoose noogu waramay oo Saaxiibadiisa ay ku jiraan kuwa kumannaanka dollar dhiibaya ayaa nagu yiri” Madaxda iyo Musharaxiinta qaar ayaa Ganacsatada u soo wakiishanaaya in Barlamaanka kamid noqdaan si hadhow u soo doortaan, lacagtana bar musharaxiinta dhiibeysa, barna ganacsatada”.

Arintaan ayaa ah hadal heynta ugu badan ee maalmahan qabsatay Muqdisho, iyadoo Hoteelada Muqdisho maalin kasta ay ku kulmayaan Ganacsatada Muqdisho iyo Odayaasha Dhaqanka oo la sheegayo in 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012