Al-shabaab oo niyadda ku dhisanayaan inuu Meles Zanawi geeriyooday.
Views:128 | Saturday, August 11th, 2012 | By somaliradio
Ururka Xarakada AL Shabaab ayaa markii ugu horeeysay si toos ah uga hadashay Hadal heynta ugu badan ee Caalamka qabsatay oo ah In Males Zanaawi Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu geeriyooday.
War xaqiiq ah ilaa iyo waqtigaan lagama oga Xaaladda Males Zanawi oo bil ka badan ka maqan dalka Itoobiya lakin Shakiga la qabo ayaa ah in Xukuumadda Males aysan wali si rasmi ah uga hadlin Xaaladda uu ku sugan yahay Males Atto Zanawi.
Afhayeenka xarakada AL Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) oo war kooban siinayay Radio Andalus ayaa waxa uu sheegay in warka ah Males ayaa dhintay uu farxad galinaayo umadda Islaamka qaasatan Soomaalida.
Cali Maxamud Raage Afhayeenka Guud ee xarakada AL Shabaab ayaa waxa uu kaloo sheegay in Maamulkii Tigreega uu la burburaayo geerida lagu sheegay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Itoobiya.
” Maamulka Tigreega wuxuu la burburayyaa geerida laga soo sheegay Males Zanawi oo ah Nin dhib badan u geystay umadda Islaamka gaar ahaan Soomaalida” ayuu yiri Cali Dheere.
Isagoo hadalkiisa sii wata Afhayeenka xarakada AL Shabaab ayaa waxa uu yiri” Hogaamiyaal Kooxeedyo ayuu Soomaaliya ka abuuray, maamulo ayuu u sameeyay iyo qabqablayaal ilaa markii dambe ciidan uu soo diro marka Waxaan rajeyneynaa inuusan dib u soo laaban”.
Gabagabadiina wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Shacabka Itoobiya ay aad ula yaaban yihiin arinta Males Zanawi iyo dareen xoog leh oo jira.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
