warar dheeraad ah, Kulankii farmaajo iyo AMISOM
Views:122 | Saturday, August 11th, 2012 | By somaliradio

waxaa shalay galab kulan gaar ah ku yeeshay Taliska ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM Musharaxa madaxtinimada dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Paul Lokech.

Kulankan oo uu codsaday Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa jawi nabadeed oo lagu soo dabaalo inta laga gudbayo marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka oo ay magaalada ku sugan yihiin musharaxiin fara badan kuwaasi oo halgan ugu jira sidii ay uga qeyb gali lahayeen doorashada loo balansan yahay August 20 in ay magaalada ka dhacdo.

La-taliyaha Musharaxa madaxtinimada C/llaahi Yuusuf Maxamed oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac AMISOM iyo Musharaxa ay si degan oo ay ku jirto xushmad iyo qadarin ay ugu balan qaadeen wada shaqeyn dhanka ammaanka ah.

“Waxay noo sheegeen inay AMISOM ay dhex dhexaad ka tahay xaaladdaha siyaasada dalka iyo ololaha doorashooyinka” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo xusay in AMISOM ay u balan qaadeen cidii ku guuelysto doorashooyinkan ay la shaqeyn doonaan amaankana sugi doonaan.

Sidoo kale, AMISOM ayaa ka tacsiyeysay dhacdadii shalay ka dhacday fagaaraha Sayidka oo ay kooxoqaswadayaal ah rasaas ku fureen dadweyne muujinayay taageeradooda musharaxa Farmaajo ay u hayaan, wuxuuna u xaqiijiyay in dadkaasi la gartay lana xiray, isla markaana la marsiin doono cadaalada.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Lokech ayaa u balan qaaday Mr. Farmaajo in wixii culeysyo amni ah oo soo wajaha ay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan, oo ay ka hortegi doonaan wax kasta oo khal khal amni dhalin kara. Waxay kaloo labada dhinac isku afgarteen haddi culays dinaca amniga soo foodsaaro musharah iyo kambaynkiisa ay diyaar ula yihiin in ay nabad galyadiisa la wareegi doonaan ayuu yiri ugu dambeyntiina C/llaahi Yuusuf Maxamed oo ah La-taliyaha Musharaxa madaxweynaha Mr. Farmaajo.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012