Madaxweyne Shariif oo Tuulooyiin u magacaabay degmooyiin.
Views:91 | Wednesday, August 8th, 2012 | By somaliradio

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa Degmooyin loogu aqoonsaday Tuulooyin yar yar oo katirsan gobolka Sh/dhexe, iyadoona Dadka Qaarkii sheegeen in Madaxweynaha oo Waqtiga u haray ay aad u yaryihiin arimhaasi dano gaar ah uga Faa’iideesanayo.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa ay u qorneyd sidan.

 

Xeer Madaxweynaha J.S.L 273,Taariikh 23/072012

Magacaabis Degmo Cusub

Madaxweynaha J.S

Markuu Arkay: Qodobka 39-aad,farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee adiga FKMG Ah.

Markuu Arkay: xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.

Markuu Arkay: Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG & AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid Degmo.

Wuxuu soo say Xeerkan Soo Socda.

Qodobka 1-aad

Waxaa la ogolaaday in Ceel AXmed oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay raariikhdu tahay 22 July 2012.

Qodobka 2-aad

Xeerkan wuxuu dhaqana galayaa marka uu saxiixo madaxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Muqdisho:23-07-2012

Sidoo kale waxaa Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa ay u qorneyd sidan.

Xeer Madaxweynaha J.S.L 273,Taariikh 23/072012

Magacaabis Degmo Cusub

Madaxweynaha J.S

Markuu Arkay: Qodobka 39-aad,farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee adiga FKMG Ah.

Markuu Arkay: xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.

Markuu Arkay: Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG & AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid Degmo.

Wuxuu soo say Xeerkan Soo Socda.

Qodobka 1-aad

Waxaa la ogolaaday in Al Kowsar oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay raariikhdu tahay 22 July 2012.

Qodobka 2-aad

Xeerkan wuxuu dhaqana galayaa marka uu saxiixo madaxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda. Muqdisho:23-07-2012. 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012