Qodobada ka soo baxay shirkii ay wada qaateen Mrs Clinton iyo Saxiixayaasha Road-Map ka.
Views:90 | Sunday, August 5th, 2012 | By somaliradio
Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.
Kulankan oo intiisii badnaa ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa lagu lafa guray sidii loo dhammaystiri lahaa tallaabooyinka ka harsan Roadmapka iyo qabashada doorashooyinka dabayaaqada bishan.
Ka hor inta uusan kulanku bilaaban ayay Clinton hadal kooban jeedisay, iyadoo sheegtay in ay kala hadlayso madaxda Soomaalida soo afmeerida ku meel gaarka iyo sidii ay Soomaaliya u yeelan lahayd dawlad dhammaystiran.
Kadibna waxay kulan socday saacad ku dhawaad la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida, sida: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare C/wali Maxamed Cali, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka Ahlu Sunna C/qaadir Macallin Nuur.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulanku markuu dhammaaday kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday.
Sheekh Shariif ayaa beeniyay inay jirto wararka sheegaya in cadaadis uu Maraykanku saarayo hogaamiyayayasha magacyadoodu ay ku jiraan liiska qaramada midoobay ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa.
Waxaana sida aan ka helnay ilo xog-ogaal ah kulankii maantay ay Hillary Clinton ku ballanqaaday inay Soomaaliya ka taageerayaan ka bixitaanka kumeel gaarka.
Clinton ayaa sidoo kale hogaamiyayaasha Soomaalida ku boorrisay inay ku soo afjaraan dhammaan arrimaha dhiman gudaha bishan August, iyadoo sidoo kalana codsatay in aan lagu xadgudbin qoondada haweenka loogu talagalay inay ka helaan awood qaybsiga dalka ee lagu qeexay Roadmapka, taasoo siinayso 30%.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
