Qarax ay ku dhinteen Ragii watay oo Muqdisho ka dhacay.
Views:76 | Sunday, August 5th, 2012 | By somaliradio

Warar naga soo gaaraaya degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxay soo sheegaayaan in qarax miino oo khasaare geystay uu ka dhacay degmadaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa Daryeel ee degmada Huriwaa, Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa goordhow inoo sheegay in miinadu la qaraxday dadkii dhigaayey qaraxa.

Cumar Jacfaan waxa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen labo qof oo aasaayey, kuwaasi oo uu Guddoomiyaha sheegay in ay katirsan yihiin Al shabaab.

Meesha qaraxu ka dhacay ayaa waxaa iminka kusugan maamulka degmada iyo masuuliyiin kale, waxaana lagu soo bandhigay meydadka dadkii qaraxa dhigaayey oo aad u googo’ay.

Waa qaraxii labaad ee ka dhaca degmada Huriwaa labo maalmood gudahood ah kaasi oo la qarxa dadka dhigaayey ama farsamaynaayey, galabtii Jimcaha ayey ahayd markii qarax kan lamid ah uu ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Caymiska ee degmadaasi.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012