Garonka Lambar 50 oo dowladda maanta kula wareegtay Dagaal.
Views:96 | Saturday, August 4th, 2012 | By somaliradio

Ciidamada Dowladda ee kaashanaya Ciidamada AMISOM ayaa Saake Weerar Dagaallo Ku Qaadeen Ciidamada Al-shabaab ee kala wareegay Degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Sh. Hoose.

Dagaalladaani oo ahaa kuwa la isku adeegsanayo hubabka kuwa calculus iyo midka fudba ayaa laga warheyn qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana ilaa haatan uu yahay mid sii socda Dagaalku, Ciidamada dowladdana la sheegay in ay sii dhaafayan garoonka Caalamiga ah ee KM 50.

Kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in laga saaray meelaha ku dhow garoonka diyaaradaha ee Lambar 50, balse ilo goob joog ah ayaa sheegayo in uu weli rasaas goos goos ah ka socdo gudaha garoonka.

Ciidamadan dowladda oo garab ka helayo AMISOM ee weeraray KM 50 ayaa waxay ka soo dhaqaaqeen xalay degmada Afgooye ee Gobolka Shabelleha Hoose.

Hase ahaatee ciidamadan ayaa waxay sidoo kale ku gudbeen wadada magaalada Shalambood oo ku dhow xarunta gobolka Shabelaha Hoose ee Marko, iyadoo lagu soo waramayo in Shababka ay u carareen dhanka degmada Barawe.

Dowladda Somaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay waday dadaalo ay Al-shabaab kaga sifeynayaan Somaliya iyagoo ka saaray deegaano badan oo ay horey uga arimin jireen.

 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012