Tahriibayaal Somali ah oo ku lumay Badda u dhexeyso Liibiya iyo Taliyaniga.
Views:82 | Saturday, August 4th, 2012 | By somaliradio

Tahriibeyaal Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 90 Ruux oo 25 ka mid ah ay yihiin Haween iyo labo caruur ah ayaa ku go’doonsan biyaha u dhaxeysa Liibiya iyo Jasiirada Malta ee dalka Taliyaaniga.

Cali Xuseen Maxamed oo ka mid ah Tahriibeyaashaasi oo Xiriirla soo sameeyay Idaacada BBC da Laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in mudo labo maalmood ah ay ku dhex jireen biyaha u dhaxeysa Liibiya iyo Jasiirada Malta,haatana ay ku sugan yihiin xaalad qatar ah.

Cali ayaa intaasi ku daray in uu gababsi ka marayo Shidaalka, islamarkaana ay soo wajahday raashin iyo biyo la’aan baahsan ,wuxuuna tilmaamay in Jaziirda maalto ay haatan u jiraan ilaa 27 Meel oo kaliya.

Ugu Dambeytii tahriibeyaasha ayaa baaq qeylo dhaan ah u diray Hay’ada Qaxootiga Caalamka u qaabilsan ee UNHCR,ilaa iyo hadana lama ogo meel ay dadklaasi ku dambeeyeen.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012