deegaano katirsan Gedo oo dagaalo saacado socday ay ka dheceen.
Views:72 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio
Dagaal xoogan ayaa maanta ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo ee Koofurt Galbeed Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano ku dhow magaaladda Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo.
Sida ay wararka sheegayaan Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday deegaanta Tuulo Barwaaqo oo Garbaharey ku dhow halkaas oo ciidamada isgarabsanaya ay kusugnaayeen.
Labada Dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo lasoo sheegayo in khasaaro xoogana uu ka dhashay.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaalkaas iyaga lagu soo qaaday ayna isdifaaceen.
Sargaalkan ayaa sheegay in ilaa 25 katirsan xoogaga Shabaab ee weerarka soo qaaday ay dagaalka ku dileen.
Dhankooda ayuu tilmaamay in uu jiro khasaaro yar, hase ahaatee Sargaal Shabaab uhadlay ayaa sheegay in ku dhawaad 20 isugu jira Soonaali iyo Kenyan ay dagaalkaas ku dileen.
Dagaal kaas lamid ah ayaa isagana maanta ka dhacay inta udhaxatysa Buusaar iyo Faafax dhuun.
Shabaab ayaa jidka ugalay kolonyo ciidamo Kenyan iyo Soomaali ah lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay.
Inta badan goboladda dalka ayaa waxaa ku dagaalama ciidamada Shabaab iyo kuwa dowlada oo kaashanaya ciidamada wadamada dariska ah iyo kuwa Amisom.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
