Dawlad caynkee ah baa ka dhisan deegaanka Soomaalida Itoobiya?
Views:98 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio

Dawlada deegaanku waa dawlad daakhiliyad, ama ismaamul ah (semi autonomous government) sidaa darteed waa xubin ama gobol ka mid ah dawlada federalka ee Itoobiya. Inkasta oo dawlada deegaanku ay wakhti gaaban jirtay, macnaha marka loo eego dhismaheeda, iyo qaabka maamulkeeda hadana waa dawlad xoog leh.

Dawlada deegaanku maahan mid dhaqaale ahaan, ama iskeed isku difaaci karta, dawlada deegaanku wali malaha wax soosaareed beero ku filan, sidoo kalena baryahan loogama fadhiyo iney yeelato warshado kabi kara shaqo la'aanta aadka u baahsan ee deegaanka ka jirta, markaa dhinac kasta oo laga eego waa dawlad 100% ku tiirsan taageerada dhaqaale ee uga timaada xaga dawlada dhexe.

Dawlada deegaanka qaab dhismeedkeeda siyaasadeed sida wasaaradaha, ha'yadaha nabadgalyada iyo wakaaladaha inta badan waxaa laga soo minguuriyey dawlada dhexe, inkasta oo madaxweynaha hada jooga uu aad u kharibay hab-dhismeedka dawlada (hoos ka akhri arintan oo faahfaahsan) hadana siday u shaqeyso aad bey ugu dhowdahay tan dawlada dhexe.

Sida dawladaha kale, tan deegaankuna waxay ka kooban tahay sadexda xubnood ee aasaasiga, ama saldhiga u ah jiritaanka dawlad qumman sida madaxtooyada (madaxweynaha, iyo golahiisa wasiirada), maxkamadaha, iyo baarlamaanka. Waxaa intaas dheer xubin aan dawlada macno weyn u samayn, balse dawladaha dunida sadexaad inta badan isticmaalaan, taaasoo ah xisbiga hadba ay madaxda talada hayaa ka tirsan yihiin oo laga dhigo xubin muhiim, laakiinse xaqiiqdii waa uun propaganda, iyo shuqul Afrikaan!.

Cabdi Iley oo xubin kasta kaligiis ka taliya.

Waxaynu kor ku xusnay in dawlada dhabta ah ay sadex xubnood ka kooban tahay, taasoo marka xubin kasta ay awoodeeda sharciyeed adeegsato ay dawladaasi noqoto mid taabagal ah isla markaana taageero fiican ka kasbata shacabkeeda.

Balse nasiibdaro, dawlada deegaanku waxay noqotay meel hal shaqsi ka taliyo, arintan oo la kowsatay markuu Cabdi Iley madaxweynaha noqday, taasoo uu kaligiis taliye ka noqday, macnaha ma jirto madaxbanaani ay maxkamadaha deegaanku leeyihiin, kan lasoo xidhi, iyo kan la cafinba waa inuu Cabdi Iley amarka bixiyo, sidoo kale ma jirto baarlamaan sharci dajin kara, ama wax uusan kaligii taliyuhu amrin qori kara, sida inta badan naloo sheego xubnaha baarlamaanku waa maato caano leh, oo kabtanku hadba siduu damco ka yeelo, waa isaga kan degmaduu rabana degmeeya, tuu nacana khadka ka saara wow!.

Beelaha deegaanka oo aan si siman looga qaybgalin maamulka dawlada.

Arinta ugu weyn ee lagu xasuusan doono Cabdi Iley ayaa waxay tahay in uusan jirin miisan, iyo isku dheelitir xaga beelaha ah oo ka jira dawlada deegaanka, waxaa jirta in hal beel ay dawlada ku leedahay dhawr wasiir, halka kuwa kale aysan xataa shaah-kariye ku lahayn.

Dhinaca kale gudoomiayaha xisbiga deegaanku waa isla Cabdi Iley, halka uu barlamaankana si dadban u maamulo, kaba sii darane, waxaa dhacda inuu maalinba wasaarad, amaba wakaalad horleh dawlada ku soo daro, hada maskaxda ku haya dhaqaalo xumada ka jirta deegaanka, iyo sida ay ugu tiirsan tahay tan dhexe.

Wakaalada hada ugu dambaysay ee uu Cabdi Iley sameeyey ayaa lagu magucaabaa "wakaalada qurbajooga" horeyna wasaarada qurbajoogta ayaa u jirtey!, aduunka lagama hayo wasaarad, iyo wakaalad isku magac ah ama hal shaqo oo isku mid ah wadaqabta, tan madaxweyne Cabdi Iley ka sokow!.

Madaxweyne Cabdi Iley fursad ma siiyo madaxdiisa isaga ka hoos shaqeeya.

Sida ay noo sheegeen shaqsiyaad hada ka hor madaxweynaha la shaqayn jirey, Cabdi Iley waa qof ay aad u adagtahay la shaqayntiisu, waa masuul aad u hinaaso badan, jecelna waxkasta oo amaan ah, ama magac qof yeesho inuu kaligiis helo, sidoo kalena marnaba fursad ma siiyo dadka la shaqeeya, waxaa dhacda inuu midba mid u diro si ay isku soo basaasaan, waana sababtaas mida sadexdii biloodba madax xafiiseed shaqada looga caydhiyo.

Tusaale ahaan markuu bishii ina soo dhaaftay gudoomiyaha hogaanka nabadgalyadu safarka ku tagay dalka Australia, waxaa naloo sheegay inuu madaxweynuhu aad uga hinaasay guulahaas uu soo hooyey Cabdulaahi Itoobiya, taasoo keentay inuu markiiba kadaba duulo, tagana dalkaas Australia kadibna isaga Cabdi Iley ahi sheegto guulihii ay jaaliyada dalkaas, iyo madaxdii deegaanka ka socotay keeneen, calaamad kaligiis taliye iska dheh!.

Dhinac kasta oo laga eego Cabdi Iley dadka la taliyaa run ahaantii jihadii bey ka lumiyeen!.

La taliyaashani waa kuwo ku sifoobey necbaansho qoto dheer oo ay u qabaan beelo ka mid ah kuwa deegaanka, anigu ma aqaan meesha ay la taliyaashani ka yimaadeen, waxayse iila egyahiin kuwo cadaabta ka yimid (just call'em advisers from hell!).

 

 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012