Hubka Lidka diyaaradaha oo lagu weeraray Garoonka Gaalkacyo.
Views:85 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio

Duqeyn qoryaha lidka diyaaradaha loo adeegsaday ayaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha Galkacyo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan weerarkaas.

Maleeshiyaad Hubeysan ayaa qoriga loo yaqaano Zuuga ku garaacay garoonka diyaaradaha Galkacyo, kuwaasoo ka soo jeeda Koofurta magaalada oo uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay ka dambeysay markii uu muran soo dhex galay Mas'uuliyiinta garoonka iyo maleeshiyaad sheeganayay lahaanshaha dhul ku yaal nawaaxiga garoonka diyaaradaha Galkacyo.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Galkacyo Saciid Dhega-weyne ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarka ay ka dambeeyeen maleeshiyaad ka soo jeeda Koofurta Galkacyo, isagoo ugu baaqay maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan.

Xilliga duqeynta qoriga lidka diyaaradaha lagu qaadayay garoonka Galkacyo ayaa waxaa ka kaceysay diyaarad rakaab ah oo ka mid ah kuwa maalinlaha ka duula garoonka diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Galkacyo ayaa ku yaal dhanka ay ka taliyaan Maamulka Puntland, iyadoo dhowr jeer ay soo noqotay duqeymaha lagu qaaday garoonka, iyadoo marar badan uu garoonka u xirmay khilaaf labada maamul u dhaxeeyay.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012