Gudoomiyaha dowladda u magacaawday Galguduud oo Guriceel gaaray.
Views:117 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio
Wararka aanu ka helnay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in goordhow ay halkaas ka degtay diyaarad gaar ah ay la socdaan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud Yuusuf Xasan Ciyow, oo dhawaan dowladda KMG ah ay u magacowday.
Wafdigan gaaray Guriceel ayaa saaka waxa ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaddib markii dhawaan dowladda ay u magacowday markii ugu horreysay gobalka Galgaduud maamul tan iyo markii ay halkaas ay qabsadeen Ahlu Sunna oo ah koox taageersan Dowladda KMG ah Soomaaliya.
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Guriceel, waxana wafdiga la socda ka mid ah Gudooomiyaha degmada Dhuusamareb Sheekh Cabdi-raxmaan Geedaqorow iyo Guddoomiyaha degmada Guriceel,Cusmaan Ciise Nuur (Taardhuleed) .
Waa markii ugu horreysay ee uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud uu tago Guriceel tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, waa nin qurba joog ah, laakin la sheegayo ay ku qanacsan yihiin Ahlu Sunna oo hadda xiriirka ay la leedahay dowladda waqtiga uu ka sii dhacayo uu wanaagsan yahay.
Guddoomiyaha cusub shaqo adag ayaa u taala oo ay ka mid tahay in gobalka meelaha ay ka joogaan Al-Shabaab laga saaro, in uu dhameestiro maamulada degaanada kale ee gobalka Galgaduud.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
