Amaanka goobta shirka Ansixinta dastuurka uu ka dhacayo oo la adkeeyay caawa
Views:100 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan siweyn loo adkaynayaa, waxaana magaalada lagu arkayaa askar oo lagu soo yaaciyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Adkaynta amaanka caasimada Soomaaliya ayaa waxay ka danbaysay, ka dib markii uu soo dhowaaday xiliga uu furmayo shirka ansixinta dastuurka oo lagu wado in uu furmo maalinta barito ah.

Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ammaanka magaalada ay si aad ah u xaqiijiyeen.

Wuxuu sheegay in haatan heegan buuxa la galiyay dhamaanba ciidamada dowlada Soomaaliya, si ay kaga hortagaan wax walba oo ka dhan ah amaanka. Taliyaha ciidamada Nabadsugidda ayaa wuxuu tilmaamay in 54-isgoos oo ku yaala Muqdisho la dhigay ciidamo isugu jira Booliis Nabadsugida iyo Milateri.

Maalinta barito ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya kaasi oo baaqday ama dib u dhac uu ku yimid ilaa iyo labo mar ioo lagu balansanaa in shirkaasi uu furmo.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012