Dhalinyaro Somali ah Kibandha doon ahayd oo Wajeer lagu xiray.
Views:95 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio

10 dhalinyaro looga shakiyay inay yihiin reer Muqdisho ayaa lagu xiray magaalada Wajeer ee Gobolka waqooyi Bari ee Kenya, kuwaasoo ku wajahnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dhamaan dhalintaasi ay ahaayeen kuwo katagay markii hore magaalada Nairobi iyagoo doonayay inay halkaasi kasoo helaan sharciga dalkana Kenya ee Kibaandhaha.

Baaritaano ay xalay sameeyeen ciidamada sirdoonka iyo pooliska magaalada Wajeer ayaa dhalintaani lagu soo qabtay iyagoo ku kala sugnaa xaafado kala duwan oo kamid ah Magaalada.

mid kamid ah ciidamada amaanka Wajer ayaa tibaaxay in dhamaan dhalintani lasoo taagi doono maxkamad islamarkaasina lagu qaadi doono dembiyo uu sheegay inay galeen oo ay kamid tahay sharci daro ay sheegeen inay magaalada Kujoogeen.

Qof goobjooge ah ayaa dhankale tilmaamay inay dhalinta yihiin kuwo ka imaaday Somaliya balse dad ay been u sheegeen, iyagoo laga dhaadhiciyay in Kibaandhe lasiinayo, isla markaana laga qaatay lacag badan.

qaar kamid ah dhalintaai ayaa hadda waxaa su'aalo weydiinayo ciidamada ladagaalanka argagixisada, lamana ogo waxyaabaha tooska ah ee laweydiinayo.

magaalada Wajer ayaa waxaa mararbadan ka dhacay qaraxyo lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab oo Kenya ay dagaal kula jirto, iyadoo taasi ay dhalisay in magaalada bandow habeenkii ah lagu soo rogo, waxaana la geeyay ciidamo poolis ah iyo kuwa sirdoonka si ay u sugaan amaanka Magaalada.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012