Ahlu Sunna oo amar dul dhigtey goobaha wax laga cuno maalinta xilliyada Ramadaanka.
Views:91 | Saturday, July 21st, 2012 | By somaliradio
Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa mamnuucay in deegaannada ay ka taliyaan lagu iibiyo raashin bisil maalintii inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxa garsoorka maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe, Sheekh Saciid Sheekh Maxamed ayaa sheegay in maamulkooda uu mamnuucay in raashib bisil la iibiyo, wuxuuna tilmaamay inay amreen in maqaayadaha waaweyn ee ku yaalla gobolka Galgaduud irdaha la isku dhuftay.
Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka lagu maray inay soo xiraan qofkii la arko isagoo cunto bisil iibinayo maalinti, wuxuuna sheegay in qofkii lagu soo qabto sharciga la marsiin doono.
Sheekh Saciid wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay kormeeri doonaan magaalada, si ay uga hor-tagaan in cunto bisil la iibiyo inta bisha barakeysan ee Ramadaan ay socoto.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
