Obama oo amray in la mamnuuco dhuxusha Somaliya.
Views:92 | Saturday, July 21st, 2012 | By somaliradio

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa joojiyay in mareykanka la geeyo dhuxusha laga qaado Somaliya, taasoo uu ku sheegay inay tahay isha dhaqaalaha ay ka helaan mintidiinta Somaliya ee Al-shabaab.

Talaabadan ayaa kamid ah, wax yaabaha ay Mareykanka dooneyso inay ku soo afjarto dhibaatada iyo weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan Somaliya iyo cabsida ku wajahan caalamka ee laga qabo Al-shabaab

Sidoo kale waxaa jiray talaabooyiin kale oo Mareykanku uu horey u qaaday asigoo xanibay shaqsiyaad looga shakisan yahay inay Al-shabaab xiriir laleeyihiin iyo sidoo kale lacag badan oo la dul dhigay hogaamiyayaasha Somalida ah ee kooxdan Al-shabaab.

Mr Obama ayaa amarka uu ku xanibay ka ganacsiga iyo dhuufinta dhuxusha Somaliya inay tahay mid ay qubaro sheegeen inay tahay meesha ugu badan ee uu dhaqaalaha kazoo galo ururka Al-qacidda lamidoobay ee Al-shabaab.

Ugu dambeyntii ayuu tilmaamay mr Obama in talaabooyiinka ka dhanka ah Musuqmaasuqqa, Burcad Badeedda iyo Xanibaadaha Al-shabaab lagu hayo ay qeyb ka qaadan karaan nabadeynta Somaliya.  

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012