Macluul halis ah oo weli ka jirto qeybo Somaliya kamid ah.
Views:80 | Saturday, July 21st, 2012 | By somaliradio

Sanad kahor ayey ahayd markii dowladda mareykanka ay shaacisay inay Somaliya ay ka taagan tahay abaaro iyo macluul, taasoo si aad ah u saameysay gobolada Bakool iyo Shabeelaha hoose, taasi waxay dhalisay inay caalamka u soo gurmadaan Somaliya, waxaana taasi caawisay markii ay ka da’een roobab, balse hadda ayaa lasoo saarary warbixin kale oo sheegayso inay malaayiin qof ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.

Mid kamid ah dhibaatooyiinkaa abaartii sanadkii hore ayaa waxaa kamid ah nafaqo la’aanta oo la sheegay in boqolkiiba 30 ay saameysay caruurta qeybo kamid ah bartamaha iyo koofurta Somaliya..

Hase ahaatee, xafiiska qaramada midoobey ee howlaha gargaarka Somaliya ayaa sheegay inxaaladda abaarta laga baxay oo lixdii bil ee ugu hoerysay si wanaagsan loola tacaalay Sikastaba, Mrk Bowden oo ah madaxa xafiiska howlaha gargaarka Somaliya ee UN ta ayaa tilmaamay inay qeybo kamid ah koofurta Somaliya kusoo noqotay macluushii iyo nafaqo la’aan loona baahan yahay in lahelo gurmad degdeg ah. "2.5 million oo qof ayaa u baahan Gurmad, waxay ku jiraan xaalad Qatar ah oo u baahan in sidegdeg ah loo caawiyo, dad kaloo lagu qiyaasay 1.3 million ayaa u baahan in mudo dheer loosii wado caawinaadda lasiinaayo iyo xittaa xoolahooda ayaa u baahan taageero,” ayuu yir Mr Bowden.

Maulid Warfa, waxa uu kamid yahay dadka Somalida ah ee ka shaqeeyo howlaha gargaarka degdega ah ee hay’adda xanaanada caruurta UNICEF, waxa uu sheegay inaysan weli hoos u dhicin dadka doonayo inay helaan gurmad xoog leh, kuwaasoo ku nool meelaha dagaaladu ay ka jiraan.

"Mahayno dad u dhintay gaajada, balse waxaa jiro dad siyaabo kale u dhimanayaan,” ayuu yir Warfa, asigoo sii raaciyay, “qiyaasta macluusha waxa ay is dhintay ugu yaraan haaf, dad badan ayaa helay cunno nafaqeysan, xaqiiqdii dd=ad badan ayaana ka faa’iiday, balse xaaladdu hadda laga baqayo waa mid cusub oo soo baxday, marka hadii aan jawaab degdeg ah lahelin xaaladdu way xumaan doontaa,”

Mark Bowden ayaa dhankiisa tibaaxay, “Haddii aan si adag looga hortagin wareegga dhibaatooyina bani-aadan nimo, lawajihidoono marxalad aan wax laga qaban Karin,”  

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012