Idaacad ku taalo muqdisho oo xalay Bamb lagu weeraray.
Views:99 | Saturday, July 21st, 2012 | By somaliradio
Idaacada sahan oo ka mid ah idaacadaha madaxa banana ee ka howlgala gudaha magaalada muqdisho ayaa caawa waxaa lagu weeraray bum-ka nooca gacanta laga tuuro iyadoona meeshaasi ay ka dhalatay qasaaro aan sidaa u sii buurneyn.
Max’ed Saciid Saxaaf, Agaasimaha Idaacada sahan Ee magaalada Muqdisho Ayaa sheegay Qasaaraha inuu yahay 1ruux Oo Ka Ag dhawaa meesha uu bom-ka ku dhacay uu ku dhaawacmay balse ma jiro qasaaro kale oo soo gaaray shaqaalaha Idaacada qaraxaasi bambada ah islamaraakana lagu tuuray afafka hore ee idaacada Sahan ee magaalada muqdisho.
Sidoo kale Saxaaf ayaa waxa uu sheegay in bumkaasi laga soo tuuray dhabarka dambe ee Idaacada Sahan, kadibna aysan u soora galin kooxihii damacsanaa in ay bam-ka gudaha u geliyaans si weriyayaasha waxyeelo u soo gaartoh ase yeeshee uu ku dhacay Iridii laga soo galayay Idaacada kadibna uu meesha ku qarxay.
Ciidamada nabad sugida Iyo kuwa police-ka ayaa durbadiiba soo gaaray kadib qaraxa iyagoona baaritaano ka sameeyay xaafadaha ay ka kobantahay Degmada X/jajab oo ah degmada ay Idaacada Sahan ku Taalo.
Axmed Yare Gudoomiyaha Degmada X/jajab oo aan xiriiro la sameenaya ka dib markii uu dhacay qaraxa ayaa inoo sheegay in ay ku raad joogaan kooxaha falkaasi ka dambeeyey islamarkaana uu sheegay In ay gacanta ku Soo dhigi doonaan ragii ka dabeeyay qaraaxaasi bambaano ee lagu tuuray Idaacada Sahan oo kamid ah idaacadaha ka howlgalo muqdisho.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
