Hogaamiyayaasha diinta Kenya iyo maclimiinta oo ku baaqay in wasiirka waxbarshada Kenya xilka laga qaado.
Views:78 | Saturday, July 21st, 2012 | By somaliradio
Hogaamiyayaasha dhanka diinta iyo saaraakiisha ururka ay ku bahoobeen maclimiinta dalka kenya KNUT ayaa waxa ay si wayn uga soo horjeedsadeen hadal uu sheegay wasiirka waxbarshada Mutula kilonzo oo sheegay in gabdhaha iskuulada ay xiran karaan iskaatka gaagaaban .
Hogaamiyayaasha muslimiinta Kenya ayaa waxa ay hadalka wasiirka ku tilmaameen in uu yahay mid ka soo horjeeda diinta islamka minja xaabinayana dhaqanka africanka .
Hogaamiyaha golaha muslimiinta ee imaamyada iyo ducaada Sheikh Mohammed Khelifa kenya ayaa waxa uu ugu baaqay madaxwayne Kibaki in uu xilka ka qaado wasiirka waxbarshada Mutula Kilonzo.
Dhanka ururka maclimiinta KNUT sargaal u hadlay oo lagu magacaabo Dan Aloo ayaa waxa uu wasiirka ku eedeeyay in uu marin habaabinayo ardada .
Wasiir ku xigeenka gaadiidka Kenya Ali Hassan Joho ayaa ugu baaqay ardada muslimiinta ugu baaqay in ay diintooda ku dhagnaaden isaga oo sheegay in wasiirka awood dastuur uusan u lahayn in uu arintani ku qasbo .
Wasiirka waxbarshada Kenya Mutula Kilonzo ayaa maalintii khamiista waxa uu sheegay in ardada gabdhaha ah ay xiran karaan iskaatka amaba goonooyiinka gaagaaban arintaasi oo dad badan ka caraysiisay .
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
