War deg deg ah: Wariye C/qaadir Cumar Cabdule oo Muqdisho lagu dhaawacay
Views:81 | Saturday, July 7th, 2012 | By somaliradio
Kooxo Bastoolado ku Hubeysan ayaa abaarihii maqribkii ku dhaawacay nawaaxiga Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir Wariye ka tirsan Telefishinka Universal oo lagu magacaabo C/qaadir Cumar Cabdulle.
Sida ay sheegayaan wararka Kooxahan Hubeysan ayaa xabado huwiyeen caloosha iyo lugta, iyagoo deetana ka baxsaday goobta, waxaana dhaawac daran oo soo gaaray wariyaha kadib loola cararay isbitaalka Madiina.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ragga Hubeysan ay ugu tageen xilli uu banaanka hore gurigiisa maqribkii ku cadeysanayay, deetana uu ka shakiyay, markii ragga bastoolado soo baxsadeen, oo uu ku cararay guriga, kadibna ay rasaas lugta uga dhifteen.
Xiriiro aan la sameynay Isbitaalka Madiina ayaa naloo sheegay in la geliyay qolka xaalada deg dega, oo qaliin loogu sameynayo.
Lixdii bil ee u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu ugaarsanayay wariyeyaasha, iyadoo ilaa afar wariye lagu dilay Caasimada, kuwaasoo ka shaqeynayay Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho.
Bishii May dhamaadkeeda ayaa kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wadajir Wariye Axmed Caddow Canshuur, xilli gurigiisa ku sii jeeday.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
