C/samed Macalin”Maamul dowlada hoos taga ayaan u sameynayaa Galgaduud”
Views:92 | Saturday, July 7th, 2012 | By somaliradio.net

 

Isaga wariyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in si deg deg ah maamulka loogu sameynayo Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
 
Mr.C/samed waxaa uu sheegay in Gobalka galgaduud dhowaan loo sameynayo Maamulk hoos taga Dowlada KMG ee Soomaaliya si dowlada ay uga shaqeyso gobalkaasi oo ay haatan maamulaan Ahlu sunna Waljamaaca,isagoona sheegay in dhowaan kulamo uu la qaatay Beelaha dega Gobalkaasi iyo Ahlu sunna.
 
Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumada KMG ee Soomaaliya waxaa kaloo uu sheegay in muhiimada maamul hoostaga Dowlada uga sameynayaan Galgaduud ay tahay sidii wada shaqeyn fiican u dhaxmari laheyd Dowlada Soomaaliya Ahlu sunna Waljamaaca.
 
“Xukuumada siiba Wasaaradeyda waxay si deg deg ah u sameyneysaa maamul hoos taga Dowlada Soomaaliya waana wadna dagaalkaasi inta la gaarin ogosta Dowlada maamulkeeda waa lasii dhisayaa ee Galgaduud waayo waxaa dagaal lagula jiraa Shabaab ma ahan in fursad la siiyo”Ayuu yiri wasiirka.
 
Hogaanka Ahlu sunna Waljamaaca ee gobalka galgaduud kama soo bixin wax war ah oo ku aadan hadalkan xukuumada Soo baxay oo ku aadan in maamul ay u sameyneyaan Gobalka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012