Kooxo Dabley ah oo bur buriyay Masjid dhisnaa 600 sano gudaha dalka Mali
Views:89 | Tuesday, July 3rd, 2012 | By somaliradio.net

Kooxda Ansar Al Dini oo ah koox gacanb saar la leh Alqaacida ayaa la sheegay inay bur buriyeen Masjid ku yaala Magaalada Timbuktu, kadib marki ay kooxaha islaamiyiinta ah la wareegeen Magaaladaas uu ku yaalay Masjidka.

Qof Magaalada ku sugan ayaa BBC da u sheegay in kooxo dabley ah oo qabsaday magaaldooda ay bur buriyeen Masjid ku yaala magaaldaas, kaasoo taariikhda la dhisay ay tahay mid foga.

Kooxda Islaamyiinta ah ayaa la sheegay inay inay horey u bur buriyeen Qabriyo Dad ku aasnaa , kadib marki ay u cuskadeen in Diinta Islaamka aysan qabin in la dhiso qabri , waxaan sidoo kale kooxda ay shalay bur burisay Masjidka , iyadoo la garaneynin sababaha ay u bur bursheen.

Ould Bamana oo ah Afayeenka Kooxda Ansar Al Diin ayaa u sheegay BBC da inay bur buriyeen goobo taariikhi ah Boqolkiiba 90 , isagoo xusay inay ahaayeen goobo taariikhi ah oo misna aan waafaqsaneen Diinta Islaamka , iyaguna ay sidaas ku bur buriyeen waa sida uu u sheegay BBCda.

Waxaa u sheegay in Diinta aysan qabin in Guro laga dul dhiso Qabriyo, waxaana uu balan qaaday inay bur burin doonaan wax walba oo Diinta Islaamka aysan raali ka ahayn.

Si kastaba ha ahaatee kooxdaan Ansaar Al Diin ayaa ka jirta Dalka Mali, waxayna gacan saar la leedahay Alqaacida iyo urur kale oo ka jir geeska Afrika,waxaana dagaal uu kala dhexeeya Dowlada Dalkasi ka jirta.

 

 

 

 

Xafiiska wararka Soamliradio.net Nairobi-Kenya

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012