Wax igu cusub baan ku soo arkay Soomaaliya- Maxamed Shabell
Views:807 | Friday, May 4th, 2012 | By Maxamed Shabell
Dollow( Somaliradio)- Maxamed Shabell oo ah Soomaali mudo dheer kunoolaa dalka Mareykanka ayaa dhawaan safar ku tagay gudaha dalka Soomaaliya.
Maxamed waxaa uu socdaalkiisa oo dhanka lugta ah kabilaabay Magaalada Muqdisho oo diyaarad kutagay' isaga oo baabuur kutagay ilaa magaalada Dollow ee gobolka Geddo.
Maxamed Shabell waxaa uu usheegay Somali radio in isbadal weyn oo xaga nololsha, Tacliinta iyo caafimaadka ah uu ku soo arkay halkaasi oomarki ugu dambeysay ahayd meel nololwanaagsani ay kajirto.
Dollow hada waxaa laga isticmaalaa lacagta dalka Ethiopia, halka Balad xaawana laga isticmaalo lacagta Kenya taasi oo kutusineysa in dadka halkaasi kunool ay si dadban ugu tiirsanyihiin dalalkaasi.
Mudo 20 sano ah Soomaaliya malahayn Banki-dhexe oo Lacag daabaca iyo dowlada rasmi ah taasi ayaana usabab ah in dadka kunool meelahaasi ay kutiirsanaadaan oo ay isticmaalaan lacagta dalalka jaarka ah.
Shabeel waxaa uu ka sheekeeyay wiil dhalinyaro ah oo dhaawac daran uu ka soo gaaray dagaal 1997 kii kadhacay Dollow ee dhexmaray ururkii Al Itixaad iyo Ciidamada Ethiopia.
Cabdi Cali Cabdulle oo hadda 18 Jir ah waxaa uu kudhashay naafonimo laakin dhibweyn baa gaaray sanadkii 1997 kii xiligaasi oo uu kugub tay guri uu kunoolaa kadib dab kadhashay hub kudhacay guriga.
Wuxuu iskudayay inuu kabaxsado laakin waxaa gaaray dab xoogleh jirkiisa kaasi oosababay in ilaa iyo xiligaa ay bugto halkii uu ka gubtay.
Reerka wiilkan dhalay oo ah qoysdan yar ah ayaan haysan wax weyn oo ay kulatacaalaan waxayna ubaahnaan lahaayeen cid ka saacida maadaama loo sheegay in aanan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa.
Aabaha wiilka dhalay waxaa layiraahdaa Cali Cabdille Shaaciye waxaana uu kacodsanayaa dhamaan mujtamaca walaalaha ah ee Soomaaliyeed inay gacan kusiiyaan sidii uu dhakhtar wanaagsan ugu hellilahaa wiilkiisa.
ka Dhageyso Wareysiga Maxamed Shabeel oo dhameystiran halka sare ama halkan Riix

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
