Xukuumada KMG : Bisha Agoosto waxaan xilka wareejineynaa Dalka oo leh Dowlad Dastuuri ah
Views:102 | Thursday, May 3rd, 2012 | By somaliradio

Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Dr C/wali Maxamad Cali Gaas ayaa sheegay inuu Bisha Agoosto uu xilka ku wareejin doono dadka imaanaya iyadoo ay jirto Dowlada Dastuuri, taasoo ku eg Bisha Agoosto ee sanadkaa gudihiisa.

Ra'isul wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay howsha wanaagsan ee u qabsoontay xukuumadiisa, isagoo shaaca ka qaaday inuu Bisha Agoosto uu xilka ka dagayo isaga iyo xukuumadiisa oo guuleystay.

C/wali oo inta badan dadka Siyaasada falanqeeya ay ku tilmaamaan nin aamusan oo indhaha ka qiimeeya xaalada ayaa la filayaa inuu fursad wanaagsan uu u heli doono xaaskiisa iyo Afarta caruurta ah ee uu dhalay oo mudo uu ka maqnaa, waxaana Bisha Agoosto uu dib ugu laabanayaa Jaamacadii uu ka dhigi jiray dalka mareykanka.

Gaas ayaa ku soo aaday xili aad u xun kadib marki uu Talada dalka qabtay, marki meesha laga saaray ninki ay soomalida daacada u ahayd ee Farmaajo, wuxuu C/wali aad uga shaqeeyay inuu wax ka badalo amaanka dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho oo Bil ka hor uu ka bad baaday qarax ay fududeeyaan Ilaaladiisa gaarka.

Waxaa uu ku dadaalay in la helo Dastuur cusub oo dalka lagu xukumo, wuxuuna ka qeyb qaatay kulamo badan o looga hadlay Dastuurka iyo Qariirada Nabada, waxaa uu ku guuleystay in uu isku keeno maamulada gobolada dalka ka jira, waxa ay xukuuamadiisu ay wada hadal la gali rabtaa  Somaliland oo hada shegata inay ka go'day soomaaliya inteeda kale.

Ra'isul wasaaraha hada wali waxaa u dhiman shaqo culus oo ay ugu horeyso Ansixinta Dastuurka cusub, waxaana wali jira khilaaf u dhexeeya umada soomaaliyeed iyo xukuumada uu hogaamiyo Dr Gaas oo dadka ay u arkaan inay wataan shisheeye iyo Mahiga.

Dr Gaas marki uu qabtay xilka waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed, waxaana dadka siyaasada ku xeel dheer ay ku tilaameen Taageeradaas inay shacabka soomaaliyeed ay u heysteen Gaas inuu marayo wadadii uu maray Farmaajo oo ay saaxiib isku dhow ahaayeen, Balse waxaa yimid inuu ka weecday wadadii uu falay saaxiibkiis Farmaajo.

Gaas oo ka leexday wadadii saaxiibkiis dadka waxy ku macneeyeen in laga awood batay oo uu noqday miskiin aan lahayn meel uu maciinsado, waxayna qasabtay inuu iskala shaqeeyo Ragga ay mucaaradka isku ahaayeen.

Gaas oo halay waxaa uu sheegay in ay jiraan dad ceynaya xukuumadiisa oo inkiraya wax qabadka xukuumada waxaana uu xusay inay mar qaati ka yihiin bulshada soomaaaliyeed.

'' Bilo ka hor waxaan ku jirnay Madaxtooyada oo kaliya , lama dhaafi karin, marki ay timid xukuumadeyda waxay qabsatay dhul badan, waxaana la wareegnay Gobolo badan oo koonfurta ah, walina waxaan wadnaa howlgalka aan ku sifeyneyno Shabaab iyo qolyaha ka soo horjeeda Dowlada soomaaliya '' waxaa ku faanay sidaas Dr Gaas.

C/wali ayaa xusay inay ka duwan yihiin xukuumadihii hore, waxaa uu sheegay inay kaga duwan yihiin hab dhismeedka, wuxuuna shaaca ka qaaday inay iyaga leeyihiin qaab dhismeed.

'' Sidaad la socotaan xukuumadihii hore ma lahayn qaab dhismeed , laakiin anaga waxaan leenahay qaab dhismeed ka duwan ku wii hore, waxaa fashilmay xukuumadihi hore anaga ma fashilmin, balse waxaa jira dad dhaha waaad fashilanteen, waxaan filayaa ma yaqaanaan waxa la dhaho fashil '' waxaa yiri Gaas.

Ra'isul wasaaraha ayaa sheegay in hada ay heystaan waqti yar oo ay ku dhameeyaan shaqadooda qabyada ah, waxana uu tilmaamay inay dhiman yihiin oo kaliya soo xulidii Baarlamaanka cusub iyo Ansixintii Dastuurka cusub.

Dowlada cusub ayaa Bisha Agoosto la wareegi doonto shaqadeeda anaga ka hor ayaan sii wadi doonaa, Bilooyin ka hor ma jirin qof ku fakirayay in muqdisho ay amaan noqoto oo ay isugu imaan karaan Bulsho Soomaaliyeed hadana waxaad aragtaan sida ay u dhacday Shaqadaas dheer waxaa fuliyay Gaas iyo Xukuumadiisa, waa inoo faan waana ku faani karnaa ayaa lagu yiri hadalkaan ka soo baxay xafiiska Gaas.

Gaas ayaa sheegay in Alshabaab ay sii wadi karaan qaraxyada sida midki u dambeeyay ee Dhusa mareeb, waxaana u sheegay inay u baahan tahay in laga hortago oo shanta sano ee soo socoto ay noqoto Soomaaliya Qaran adag oo la xifaaltama caalamka.

Qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska Gaas ayaa laga dhadhansanayaa sida ay xukuumad u doneyso in la meel mariyo Qabyo qoraalka Dastuurka iyadoo ay ku adkeysaneyso in la ansixiyo si looga baxo Dastuurkii lixdanka qornaa, waxaana qoraalkan lagu amaanay xukuumada hada shaqeyneysa iyadoo lagu soo bandhigay wax yaabihi u qabsoomay .

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012