Hey'ada ICRC oo lagu eedeeyay inay ka dambeysay Raashinkii lagu dhacay Degmada Luuq
Views:86 | Monday, April 9th, 2012 | By SOMALIRADIO

Hey'ada ICRC oo ka mid ah hey'adaha samafalka ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay raashinkii lagu dhacay degmada luuq ee gobolka Gedo, kadib marki ay soo baxeen inaan raashinkaas loo qeybin dadkii loogu talo galay.

Qaar ka tirsan madaxda gobolka Gedo maamula ayaa shaaca ka qaaday in Hey'ada ay ka dambeysay falkii lagu dhacay Raashinki loo waday dadka ku dhibaateysan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxayna xuseen inay Hey'ada ay bakhaaro ku xareysatay Raashinkii lo waday dadka dhiban, waxaana ugu dambeyn boob xoogan u geystay dadka deegaanka ku dhaqan.

Hey'ada samafalka ee ICRC ayaa waxa lagu heystaa deeq Raashin ah oo ka soo gudubtay xuduuda dalka Soomaaliya uu la wadaago Kenya waxaana Raashinkaas inti aan la gaarsiin dadki loogu talo galay Boob lixaad leh u geystay dad ku dhaqan degmada Luuq.

Wax war ah wali kama soo bixin Hey'ada ICRC oo ku aadan cambaareyntan uga imaaneysaa madaxda ka soo jeeda gobolka Gedo, iyagoo ka uga digay inay mar kale ku kacaan falkaas oo kale waa sida ay hadlka u dhigeen.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012