Khilaaf siyaasadeed oo heer xun kamaraya Soomaaliya
Views:220 | Sunday, April 8th, 2012 | By somali radio
Muqdisho(Somaliradio)- Raysil wasaaraha Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali oo dhawaan ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dillo oo ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu adkeeyay amaanka qeybta uu ku hoydo ee guriga uu ka daganyahay Muqdisho.
Waxaana soo ifbaxaya macluumaad sheegaya feejignaan xoogleh iyo shaki uu ka qabo madaxda qaar.
Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa dhankiisa jeediayay hadallo uu ku dajinayo xaalada kadib qaraxii shakiga dhaliyay ee ka dhacay Tiyaatarka Golaha Murtida.
Dad kudhow madaxweynaha ayaa sheegay in Shariif mudo dheerba aysan isku wanaagsaneyn raysil wasaarihiisa inkasta uusan C/wali jeedin hadal adag oo cadaynaya khilaafka isaga iyo madaxweynaha.
Laakin wuxaa la sheegayaa in raysil wasaaruhu aaminay inay wada socdaan khilaafka madaxweynaha iyo qaraxii Tiyaatarka ee uu kabadbaaday ahaana mid loogu talo galay in lagu qaarajiyo.
Mid kamid ah dadka ka agdhow Raysil wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka Madaxweynaha iyo Raysil wasaaruhu uu marayo meel xun,iyada oo ciidamo hor leh oo ilaaliyo amaankiisa ay soo dhoobteen qeybta uu daganyahay Raysil wasaaraha.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan M. Maxamuud oo aan dhankiisa soo saarin wax hadal ayaa la sheegayaa inuu udiray Muqdisho ciidamo ilaaliyo Raysil wasaaraha. Ilo wareed kusugan Garowe ayaa sheegaya in ciidamada loo diray Raysil wasaaraha ay yihiin kuwo si gaar ah u tababaran.
Lama hubo heerka ay gaarsiisantahay xasaasiyadda siyaasadeed ee ka dhalatay isku daygii dil ee Raysil wasaare C/wali Gaas .
Dad aqoon u leh amaanka ayaa sheegaya in qaraxii Tiyaatarka uu yahay mid ay kulug lahaayeen hay’ada nabad sugida Soomaaliyeed oo laga yaabo inayba fuliyeen. Inkasta oo ay eedaasi iska fogeeynayaan hay’adaha qaabilsan amaanka.
Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayay Soomaalida u dhaga taagayaan warka laga soo sheegi doono madaxtooyada Soomaaliya oo ay wada daganyihiin madaxda Soomaalidu.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
