Sirdoonka Shisheeye oo ku sii kordhaya Soomaaliya
Views:654 | Wednesday, March 28th, 2012 | By somali radio
Muqdisho(Somaliradio)- Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray 3 nin oo xubno sare ka ah sirdoonka galbeedka kuwaasi oo kulamo la qaatay saraakiil kamid ah Amisom iyo Soomaalida.
Inkasta oo aan wali sicad loo ogaankarin waxyaabihi ay kawada hadleen hadana in mudo ahba Muqdisho waxaa imanayay Saraakiil Ajnabi ah oo kasocda sirdoonada Reer Galbeedka kuwaasi oo xarumo ka sameeystay gudaha Muqdisho.
Aaga Xalane ee ay daganyihiin Ciidamada AMISOM ayaa waxaa kuyaala guryo qarsoodi ah oo leh deegaan iyo xabsiyo dadka lagu xiro, loomana ogola inay galaan saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo madaxda dowlada intaba sida uu sheegay sarkaal kamid ah Sirdoonka Soomaaliya oo uqariyay magaciisa sababo amaan.
“Waxaan idin sheegayaa in aysan jirin cid kawarhaysa waxa lagu sameeyo iyo dadka kunool guryo badan oo kuyaala Xerada Xalane ilaa iyo Jaziira, sidoo kale Airpotka Muqdisho shaqaalaha Soomaalida ah waxay karawaxaan galabtii, habeenkii oo dhan shaqo ayaa kasocota oo diyaarado ayaa ka soo daga waxay sidaan iyo cida ay yihiina TFG du ma ogga mana dooneyso inay ogaato ayuu Sarkaalkaasi sheegay.”
Sirdoonka Ajnabiga ah ayaa la sheegay inay adeegsadaan Shaqaale kamid ah dowlada TFG da, dadweyne caadi ah iyo urruro dhalinyaro oo lacagta ay kuhowlgalaan loomariyo Kaniisado kuyaala Nairobi.
Waxaa ku siibadanaya dalka Soomaaliya ururada gashan shaarka dhalinyaradda kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyo baaxadleh kawada Soomaaliya. Amira Maxamed oo ah gabar dagan Muqdisho ayaa sheegtay inay layaabantahay dhaqaalaha faraha badan ee urrurada dhalinyarada sheeganaya ay doonayaan inay ku hantaan quluubta dhalinyarada Soomaalida. Waxaan aad ula yaabay beey tiri.
“ Urrurada qaar waxaa madax ka ah dhalinyaro aan garanayo oo reer Muqdisho ah kuwaasi oo aanan ku aqoon NGO yada. qaarkood waxba maysan baran oo school meysan tagin. waxaan isweeydiiyaa xagee dhalinyaradaasi ka keentay lacagta faraha badan ee ay shirrarka iyo xafladaha ku qabantaan.
Baaritaan madaxbanaan oo aan la kaashaday Suxufiyiin Soomaali ah waxaan ku ogaanay in inta badan lacagahaasi ay bixiyaan hay'ado ajnabi ah iyo kaniisado si hoose ugaaleysiiya dhalinyarada. meelaha sida weyn ay uga shaqeeyaan waxaa kamid ah Xeryaha dadka barakacay iyo cisbitaaladda.
Dadweynaha Soomaalida inkabadan qiyaastii 27% sida ku cad macluumaad la uruuriyay, waxay ushaqeeyaan cid aysan ogeyn waxa ay tahay, xitaa qofka shaqaalaha ah ma garanayo sababta lacagta lagu siiyo iyo cidda uu ushaqeeyo.
Lacag aad uyar ayaa qaarkood looga gataa warbixino xasaasi ah iyo sheekooyin sirnoqon kara waxaa sidaasi yiri Cadow dhuxul oo ah odoy waayo arag ah oo dagan magaalada Muqdisho. wuxuuna intaa kudaray in TFG iyo CIA ay maanta Muqdisho xogbadan kahayaan CIA da. sababtuna waa in dad badan oo Soomaali ah ay siyaabo toos ah iyo si dadbanba ugu shaqeeyaan.
Kooxaha hubeysan ee Al shabab waxay helaan macluumaad kabadan kan TFG -da waxaana labadaba ay xogta rasmiga ah ugudbiyaan shirdoonka Ajnabiga ah, waxaana kuu cadeeynaya in talaabo kasta oo ay labada dhinac qaadayaan ay ka warqabaan hay'ada sirta ee reer Galbeedka qaarkood.
Al shabab dad dhalinyaro ah ayay udilaan sababo la xiriira inay kamid yihiin sirdoonka Soomaaliyeed kuwo badana wey ku ciqaabaan, laakin dhamaan dadka ay dileen waxaa la rumeeysanyahay inaysan kamid ahayn sirdoonka Soomaaliya oo ay ahaayeen dad baahi ugeeysay inay la shaqeeyaan TFG -da laakin aanan ushaqeynin hab xog iyo sirdoonis ah.
Rag sare oo kamid ah TFG ama Al shabab ayaa lagu xantaa inay ushaqeeyaan hay’ado sirdoon oo ajnabi ah kuwaasi oo maalin walba xogta Soomaaliya ugudbiya dowladu aan jecleyn wada jirka iyo dib udhalashada Soomaaliya.
Xog ay helaan wariyaal Jooga Muqdisho ayaa sheegaya in aysan jirin cid ilaalisa sirta dalka Soomaaliya oo lagula xisaabtamikaro. Inkasta oo hada dowladaha shisheeye aysan qabin cabsi ah in dowlada KMG ka ah ay Qatar ku tahay danahooda, hadana waxaa ay mar walba la socdaan dhaqdhaqaaqyada kajira Soomaaliya.
Akhristoow Malaga yaaba inaad isweeydiiso maxay Sirdoonka Ajaanibtu ka doonayaan Soomaaliya ?
Sidee sirdoonka shisheeye uga dhex adeegtaa mujtamaca Soomaaliyeed ?
Waxaa jawaab kuugu filan dalka Soomaaliya markii ay jirtay dowladii Kacaanka maxay sameeynjireen safiiradii shisheeye gaar ahaan Galbeedka ee fadhiyay Muqdisho.
Ma ogtahay in Safiirki Mareykanka ufadhinjiray Muqdisho uu gubi jiray lacagta Shiling Soomaaliga, isagoo adeegsanaya saraakiil dowladi Soomaaliya kamid ahaa….
Lasoco Warbixino dheeri ah goordhow. Xuquuqda qoraalkan wuxuu ugaar yahay Somaliradio
Feysal Osman www.somaliradio.net
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
