Kooxda Qaylo dhaan oo Heesti Dhagaxtuur soo saaray
Views:715 | Friday, December 2nd, 2011 | By Somali radio
Nairobi(Somali radio): Kooxda Qaylo-dhaan ayaa todobaadkan ku soo bandhigay magaalada Nairobi hees cusub oo layiraahdo (Dhagaxtuur) heesta oo xambaarsan murti baaxad leh ayaa waxaa alifay Abwaanka Soomaaliyeed oo kamid ah kooxda Qaylo-dhaan Abwaan AD.
Kabiirka kooxda Qaylo-dhaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar jecel) ayaa usheegay Somaliradio in heestani ay ku socoto dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo daneynaya in wadankeena xaalada uu kusuganyahay laga badalo.
Waxaa uu Cabdi Shire intaa ku daray in heestan ay muujineyso in Shacabka Soomaaliyeed uu ka dhamaaday dulqaadkii faraha badnaa ee ay mudada dheer u hayeen xildhibaanada iyo dowladahii fadhiidka ahaa ee dalka iyo dadkaba ladagay.
Abwaanka curiyay heesta Abwaan AD waxaa uu isna usheegay Somaliradio in Qaylo-dhaan ay siiwadi doonto howsha addag ee mutadawacnimada ah ee ay uhayso umadda Soomaaliyeed.
Abwaan AD oo inyar ka sheegaya miraha Heesta waxaa uu yirri.
Dhakafaarka aduunka
dhacdadaan nala fiirsha
Kuwii dhiiga cabaayay
dayarteeni dhameeyay
Dhulkeenii kala gooyay.
Toban dheehna uyeelay
gumeystuhu uu ku dhaarto
Shaxda seey udhaceeyso
dib inay udhismaan baa
Shirarka loodhigayaa
Siyaasadiina dhibtaa Vilada dhaafin dhexdeeda
Dadweynihii kudhamaayee dhamaantiinba na dhaafa.
Yahye Labaale oo gacanweyn ka geeystay soo saaridda heesta Dhagaxtuur ayaa sheegay in heestan ay kamid tahay heesihii ugu muhim sanaa ee uu maqlo mudadii uu dhageysanayay heesaha wadaniga ah ee Kooxda Qayl-dhaan.
Waxaa uu intaa kudaray inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta umada Soomaaliyeed ay fahmeen halka ay dhibaatadu kajirto iyo in dalka dib looga fakero. Soomaalidu waa dad Gabayda iyo Murtidaba aad udhuuxa waxaana aan rajeeynayaa in jawaab wanaagsan ay bulshadu ka bixindoonto fariinta ay xambaarsantahay Heestani kadib marka ay dhageystaan.
Somali Radio
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
